DAAWO SAWIRO:- Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo booqasho ku jooga dalka Jarmalka

Hiiraan Xog, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo booqasho ku jooga dalka Jarmalka ayaa kulamo kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda wadankaasi iyo xubno ka tirsan maamul goboleedka Berlin.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa safarkiisa Jarmalka ku wehliya Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo xubno kale.

Xubnahan wafdigan ayaa socdaalkooda wuxuu la xiriiraa sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibrada dhinaca Federaalka ee uu dalkaas leeyahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle waxa uu kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, aqalka Hoose ( Bundstag), aqalka sare ( Bundsrat), maamul goboleedka Berlin, Brandenburg, iyo Schleswig-Holstein, waxaana kulamadaasi ay kaga wada hadleen Arimaha Federalka, awood qeybsiga, khayraadka iyo dakhliga qeybsiga, iyo maqaamka caasimada Berlin, waxaana uu farta ku fiiqay madaxweynaha in fursada Waaweyn ay ka jiraan Hirshabeelle oo u baahan in looga faa’ideysto maalgashi dhul beereedka Deegaannada Hirshabelle, iyo in laga gacan siiyo horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Hirshabelle, waxbarashada, Caafimaadka.

Jamhuuriyadda federaalka ee jarmalka waa wadan ka dhisan dhinaca federaalka si aad ahna ugu horumaray ku dhaqanka iyo Hirgalinta arrimaha Federaalka, wuxuuna ka kooban yahay 16 Gobol.





Be the first to comment

Leave a Reply