Amaanka Masaajida wadamada caalamka oo aad loo adkeeyay

Hiiraan Xog, Masaajid badan oo ku yaalla dalalka Yurub iyo Waqooyiga America ayaa qaadey tallaabooyin ay kaga hor-tagayaan in weerar lala beegsado kadib weerar lagu qaaday masjid ku yaalla dalka New Zealand.

Inta badan magaalooyinka waa weyn ee Yurub ayaa ku taageerey masaajidda in ciidanka ammaanku ay sugaan goobaha ay muslimiintu ku cibaadeystaan.

Dalalka Yurub Ciidankooda qaarkood ayaa booqday Masaajidda salaada Jimcaha ee Yurub, waxaana ay sheegeen in ay jirto Cabsi ah in la weeraro.

Masaajiddka maanta Amnigooda la sugay waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla gobolka Minnesota ee Mareykanka iyo gobolka Ontario ee Canada, oo ay labaduba Soomaalidu ku badan tahay.





Be the first to comment

Leave a Reply