Dowlada Mareykanka oo digniin u dirtay dalka Shiinaha

Hiiraan Xog, Xoghaayaha Arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in dowlada Shinaha ay kaga digayaan howlgalada ciidan oo ay ka wadaan Qaarada Asia hadii aynan joojina ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan sida uu sheegay Xoghayaha.

Pampoe ayaa ku nuux nuuxsaday in mareykanu uu ka fikiraayo waxa uu ugu jawaab celin lahaa Shiinaha waxa uu sheegay in ay aad kaga shalaay doonaan hadii aynan sida ay tahay u qaadan digniinha Mareykanka.

Shiinaha ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada biyaha bada Japan iyo Kuuriyada Waqooyi taasi oo uu mareykanku u arko in ay tahay daan daansi uu Shiinahu ku daan daansanaayo Mareykanka.

 





Be the first to comment

Leave a Reply