Lacag been abuur ah oo lagu qabtay garoonka diyaradaha ee magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde 18-kii bishan waxa ay ku qabteen shakhsi doonayay in halkaasi uu kala dhoofo lacag been abuur ah oo isugu jirta Dollar iyo Euro.

War ka soo baxay taliska ciidanka nabad sugidda iyo sir doonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in Lix saac kadib markii laqabtay lacagtaasi ay ciidamada amnigu ku guuleysteen in magaalada daafaheeda ay ka soo qabtaan shabakadii hawshaasi ku howlaneyd oo dhamaystiran.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howlaha sugidda amniga dalka, iyagoo ka hortagay falal isugu jiray Argagixisanimo, burcad dadweynaha isbaareysanayay iyo shabakado isku xiran oo ka shaqeynayay daabicista lacag been abuur ah.

Hay’adaha ammaanka ayaa marar badan sidan oo kale u soo qabtay ragga ka shaqeysta dhaqida Dollarka madow, iyadoo ay Maxkamadda gobolka Banaadir horkeeneen eedeysanayaal badan, shakhsiyaadka loo xukumo daabicista Faalsada ah ayaa lagu xiraa xabsiga dhexe ee Xamar.





Be the first to comment

Leave a Reply