DAAWO SAWIRO:- Kulan looga hadlayay hormarka Isboortiska oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Hiiraan Xog, Kulan aay yeeshen dhalinyarada isboortiska magaalada Beledweyne iyo xubno ka tirsan Ururka Dhalinyarada gobolka Hiiraan iyo Dalada Dhalinyarada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOCSOYU) ayaa si wada jir ah uga hadlay hormarka Isboortiska gobolka Hiiraan.

Kulankaan ayaa soo qaba qaabiyay ciyaartooydi cuslaatay ee u ciyaari jiray gobolka Hiiraan,ayaa u istaagay in aay mideyaan dhalinyarada oo malmihii la soo dhaafay ka dhax jiray muran dhanka isboortiska ah.

Kulankaan ayaa ku soo dhamaaday is fahan iyo isku tanaasul,kadib markii aay ka wada hadleen waxii ka jiray dhalinyarada dhaxdooda,waxaana aay ku heshiiyeen sidii ay u harmarin lahaayeen isboortiska gobolka Hiiraan.

Ugu dabeeyn waxaa  halkaas ka mahadciliyay dadkii soo qaba qaabiyay kulankaan,waxaana aay sheegen in aay u mahadcelinayaan dhalinyarada magaalada Beledweyne oo soo ajiibay codsigii aay ka codsadeen,waxaa kaloo halkaas uga mahadceliyeen gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya Maxamed Warsame Sandhool oo kalin weeyn ka qaatay dhismaha garoonka kubada cagta ee magaalada beledweyne ee gobolka Hiiraan.





Be the first to comment

Leave a Reply