DAAWO SAWIRO:- Shirka Golaha Wasiirada Hirshabelle Oo La Horgeeyay Hindise Sharciyeedka Wasaaradda Ganacsiga loogana Hadlay arrimo Kale Duwan.

Hiiraan Xog, Shirka Golaha Wasiirada Hirshabelle Oo La Horgeeyay Hindise Sharciyeedka Wasaaradda Ganacsiga loogana Hadlay arrimo Kale Duwan.
Shirka Golaha wasiiradda Dowladda Hirshabelleo o uu shir gudoominayay Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay, (20/10/2018)  lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xiriira dhinaca amniga, dhaqaalaha,wax soo saarka, Dib u dhiska iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyo hirgelinta mashruucda Horumarineed oo haddaba diyaarka ah.
Goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasaaradaha Dowladda Hirshabelle oo ku dheeraatay dhinaca amniga oo la isla gartay in la dar dargaliyo dhismaha ciidmada Hirshabelle oo la qorsheeyay dabayaaqada bishan in Hirshabelle loo tababaro Ciidamo Boliis ah oo ay Hirshabelle sidoo kale iyana la taageero dadka isku xilqaamay la dagaalanka argagaxisada ee loo yaqaano kuwaasi oo ilaa 2000 ciidan ahaan loo qarameyn doono sida uu sheegay Wasiirka amniga Gudaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cqaadir jeelle.
Iyadoo laga duulayo qorshaha Horumarinta iyo Dib u Dhiska Hirshabelle waxa uu goluhu isla qaatay in lasoo horumariyo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, kalluumaysiga, xannaanada xoolaha, horumarinta beeraha, iyo dhismaha waddooyinka.

Sidoo goluhu wuxuu soo dhoweeyay mideynta Canshuurta Hirshabelle oo ay Wasaaradda Maaliyadda Hirgalisay nidaamkaasi taasi oo lagu ammaanay dadaalka wasaaaradda maaliyadda ay ku dooneyso horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle, iyadoo warbixin laga dhageystay wasiirka Wasaaradaasi mudane Maxamed Cabdi Dheere qorshayaasha wasaaradda oo uu sheegay in ay diyaariyeen nidaam casri ah oo lagula soconayo dhaq dhaqaaqa shaqada wasaaradda taasi oo ah mid ka hufan musuq maasuq.

Ugu danbayn golaha wasiirada waxa la horkeenay Hindise sharciyeedka wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, iyadoo loo qeybiyay wasiirada Hindise sharciyeedkaasi shirarka soo socdo looga doodi doono.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABELLE.





Be the first to comment

Leave a Reply