Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo la wareegay xarunta madaxtooyada Garowe

Hiiraan Xog, Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka careysan mushaar la aan ayaa la wareegay madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garowe.

Waxay Ciidanku celinayaan gaadiidka iyo dadkii halkaasi mari lahaa tani waxaana ay saameysay shaqooyinkii ka socday Xafiisyada loo maro wadooyinkaasi.

Taliyaha Ciidanka xasilinta gobolka Nugaal Muxyadiin Axmed Muuse iyo Saraakiil kale ayaa waddo dadaallo Ciidanka looga wareejinaayo wadada,maadaama Maanta lagu waddo in ay gaaraan Magaalada Garowe Madax ka socota maamul goboleedyadda.

Ciidankaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Muddo 7 bilood ah aysan wax mushaar ah qaadan,islamarkaana ay tahay in ay tilaabo qaadaan.

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa ku caan baxay Sanadyadii lasoo dhaafay markii ay mushaarka waayaan bilooyin in ay xoog kula wareegaan xarumaha maamulka.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply