Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo dhiseysa guddiga tacliinta sare ee dalka

Hiiraan Xog, Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay wado qorshe lagu dhisayo  guddiga tacliinta sare ee dalka.

Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in guddigan ay dib u habeyn ku sameyn doonaan tayada waxbarashada jaamacaddaha dalka, si loo hubiyo tayadooda.

“Wasaaradda waxbarashada waxay qorsheyneysa in la sameeyo guddiga tacliinta sare ee dalka si dib u habeyn loogu sameeyo waxbarashada jaamacadaha dalka, islamarkana loo ogaado tayadooda” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta Qaranka.

Wasiirka waxbarashada dalka Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in sannadka 2020-ka ay ku rajo weyn yihiin in jaamacadda Ummadda ay  awood u yeelato in sannad kasta ay qaadato 10,000 oo ardey.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo hadda si lacag la’aan ay  wax uga bartaan ardey Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada  Soomaaliya ayaa diyaarisay islamarkaana qeybisay manhajka cusub ee fasalada koowaad ilaa afaraad.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply