DAAWO SAWIRO:- Dekeda magaalada Muqdisho oo lagu qabtay waxyaalaha maanka dooriya

Hiiraan Xog, Ciidamada Booliska ee ka hawlgala gudaha Dekedda magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay konteenar lagu soo raray maandooriyaha khamriga, kaas oo la doonayey in si dhuumaalaysi ah magaalada loo soo geliyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidamada Booliska ayaa shir jaraa’id oo ay dekedda dhexdeeda ku qabteen, waxay warbaahinta ugu soo bandhigeen khamrigan oo gaaraya 905 kartoon noociisuna yahay Whisky.

Mas’uuliyiintaas oo qarkood warbaahinta la hadleen waxaa kamid ahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Banaadir Basmo Caamir Shakeeti, Taliyaha Hoggaanka Cashuuraha Booliska Janaraal Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Dambi-baarista Booliska, Janaraal Bishaar Cabdi Geedi.

Basmo Caamir ayaa sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay la dagaalanka mukhaadaraadka, iyadoo tilmaantay in maandooriyuhu halis weyn ku yahay horumarka iyo ammaanka dalka, ayna waajib tahay in si adag oo joogto ah loola dagaallamo.

Dhinaca kale, Basma ayaa sheegtay in maalin kahor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu qabtay khamri kale oo baco ku moorgaraysan kaas oo lagu soo qariyey dhowr boorso oo waaweyn.

Khamriga ciidamadu qabteen oo noqonaya kii ugu tira badnaa ee sannadkan gacanta lagu dhigo, waxaa ugu dambayntii lagu gubay duleedka magaalada.

 





Be the first to comment

Leave a Reply