AKHRISO:- Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay duqeeyntii ka dhacday degmada Xarardheere

Hiiraan Xog, Wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saartay duqeyntii dhawaan ka dhacday deegaanno hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, taasoo lala beegsaday  dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab.

Warsaxafadeedka ka soo baxay  wasaaradda warfaafinta  ayaa u qoran sidan.

Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Saaxiibo Caalami ayaa agaasintay hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig ay Argagixisada Alshabaab ku lahayd agagaarka Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Hawlgankaan oo si wanaagsan ula kulmay ujeedadii laga lahaa ayaa lagu dilay ku
dhawaad 70 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro argagixiso oo ay
ku waxyeelaynlahaayeen Shacabka Soomaliyeed.

Dadka ku dhintay hawlgalkaan waxaa ku jira Horjoogayaal sarsare oo kuwo ku
takhasusay maleegista falalka waxyeelaynta maatida ee Kooxdu ku mashquulsantahay,
mana jirto waxyeelo soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed maadaama bartilmaameedku
ahaa Sal-dhig ay isku uruursanayeen Maleeshiyada Shabaab.

Dawladda Soomaaliya waxeey u mahadcelinaysaa Bulshada Deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo la’aantood aanu suurtagal noqdeen hawlgalkaan.

Dawladdu iyada oo kaashanaysaa Shacabkeeda iyo saaxiibada Caalamiga ah waxeey xaqiijinaysaa in ay ka go’antahay sii labanlaabista Weerarada Kooxaha Sharwadayaasha  ah ee ku hawlan in ay waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed waxeey ugu baaqaysaa Qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Nolol-diidka ah, sidoo kale waxeey ka codsanaysaa Saaxiibada Caalamiga ah in ay sii kordhiyaan garab- istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliya si looga guulaysto Argagaixisada Soomaaliya ku nuumanaysa.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply