Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeelanayo magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen Ajendaha kulanka inuu yahay aqrinta Koowaad ee hindise sharciyeedka bartilmaameydsiga cunaqabateynta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.





Be the first to comment

Leave a Reply