Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo boqday dadkii ku dhawacmay qaraxii ka dhacay Baydhabo

Hiiraan Xog, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii argagixisninmo ee 13-kii bishan ka dhacay magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay booqashadiisu ku wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka ayaa waxa ay booqdeen qeybaha Isbitaalka ee dhaawacyada lagu daweynaayo.

Waxa ay  sidoo kale kulan ay la qaateen maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka oo ay guddoomiyaha faah faahin ka siiyeen tirada bukaanada Isitaalka Jiifa sida ay u kala daran yihiin iyo hadda xaaladooda sida ay tahay.

Waxa uu u mahad celiyay maamulka, dhaqaatiirta iyo sidoo kale hawl wadeenada Isbitaalka sida ay ula tacaalayaan dhammaan bukaanada Isbitaalka ku jira.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka geysteen magaalada Baydhabo ee hadda isbitaalka lagu daweynayo kuwooda xaaladooda gudaha dalka aan waxba looga qaban karin in dowladda Soomaaliya caafimaada dibada ah ay u  qaadi doonto.





Be the first to comment

Leave a Reply