Kalfadhiga afaraad ee Xildhibaanda Aqalka Sare oo manta ka furmay magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Kalfadhiga afaraad ee Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho .

Furitaanka kalfadhiga afaraad Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo horay u baaqday ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xashi  Cabdullahi,Safiirada dowladaha Qadar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo guddoomiyaha Maxkamadda Saree e Dalka.

Sida uu dastuurka ka qabo waxa ay aheyd in kalfadhiyada baarlamaanka uu furo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo balse madaxweynaha oo safar ku maqan awgeed ma suurta gelin in uu madaxweynaha goob joog ka ahaado furitaanka kalfadhiga afaraad ee Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo kalfadhiga ka hadlay ayaa sheegay in madaxda dalka oo safar ku kala maqan awgeed aanay suurta gelin in ay ka qeyb galaan kalfadhiga afaraad ee Aqalka Saree e baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale qaar kamid senatorada laga soo doortay maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo maalmihii u danbeeyay ka shirayay arrimaha ammaanka Koonfur Galbeed iyo doorashada bisha soo socota ka dhici doonta maamulka Koonfur Galbeed.

War-Saxaafadeed ay soo saareen maanta ayaa marka hore waxa ay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay magalada Baydhabo 13-kii Bishaan.

Senatorada laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa ugu danbeyn uga digay musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed in aanay Magalada Baydhabo ka abuurin xiisado sababi kara falal amnidaro oo ka dhacan magaalada.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply