Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweyay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose

Hiiraan Xog, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa magaalada Marka kulan kula yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Marka ee magaala madaxda gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku haya magaalada Marka.

Guutada 14-ka Oktoobar ayaa ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe waxa ayna tababar kadib ku biireen ciidanka xoogga dalka.

Qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo amaanka lagu sugayo maalmihii u danbeeyay ka waday qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Waa markii ugu horeysay ee uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tago magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 





Be the first to comment

Leave a Reply