Duulimaadkii ugu horeeyay ee isku xira dalka Itobiiya iyo Soomaaliya oo manta laga furay magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay muddo 41 sano kadib sameysay duulimaadkii ugu horeeyay ee isku xira dalka Itobiiya iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa xariga ka jaray duulimaadkan cusub oo isku-xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Shirkad Duulimaad oo laga leeyahay dalka Itoobiya oo lagu magacaabo National Airweys ayaa bilaabaysa duulimaad toos ah oo isku xiri doono labada Caasimadood ee Soomaaliya iyo Itoobia.

Duqa Muqdisho ayaa boggaadiyey ganacsatada ka shaqeysay howshan, isagoo xusay in tallaabadani ay wax weyn ka tarayso isku xiriirka labada dal iyo horumarka ganacsiga.

“Duulimaadkan isku xiraya Addis Ababa iyo Muqdisho waa mid baahi-weyn ay u qabeen shacabka Soomaaliyeed, waxaa ammaan iyo boggadin mudan dadkii ka shaqeeyey howshan, ka maamul ahaana waxaan mar walba garab taagan nahay cid walba oo horumarka Caasimadda ka shaqaynaysa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, odayaal, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qeybaha bulshada oo ka qeyb galayay munaasabadda ayaa soo dhoweeyay duulimaadkan cusub ee isku xiri doona Muqdisho iyo Addis Ababa.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply