AKHRISO:- Madaxweynaha maamulka Galmudug oo magacaabay Golahiisa wasiirada

Hiiraan Xog, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo mudo looga fadhiyay dhismaha golaha wasiirada Galmudug ayaa soo gudbiyay liiska 25 wasiir oo aan laheyn wasiiro kuxigeeno.

Magacaabista golaha wasiirada oo saxaafadda loogu yeeray 12-kii bishan ayaa waxaa baajiyay buuq ay dhaliyeen xildhibaano ka biyo diiday qoondada ay beel ahaan u heleen iyo boosaska loo magacaabay.

Sidoo kale waxaa jirtay maleeshiyaad hubeysan oo goostay ilinka hore ee madaxtooyada, kadib markii loo sheegay beeshoodii wasaaradii ay lahaayeen loo weeciyay beel kale.

Madaxweyne Xaaf oo ay kala maqan yihiin madaxweyne kuxigeenkiisa ayaa soo dhisay xukuumad keliya ka kooban wasiiro, waxayna arrintan sii dhalisay xasaasiyad hor leh.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO,

 





Be the first to comment

Leave a Reply