Taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo Iscasilay

Hiiraan Xog, Taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa iska casilay xilkii nabad sugidda uu ka hayay.

Taliye Xuseen Cismaan ayaa warqadiisa is casilaada wuxuu u gudbiyay madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is casilaadiisa, blase waxaa la sheegay inuu isku casilay arrimo isaga u gaar ah.

Warar soo baxaya oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in taliyaha uu isku soo sharaxayo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

War qoraal ah oo la soo dhigay bogga NISA ay ku leedahay Twitterka ayaa lagu qoray warkan.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply