Aqalka Sare ee dalka Maraykanka oo Ansixiyey Safiirka cusub ee Soomaaliya

Hiiraan Xog, Aqalka Odayaasha ee Baarlammaanka Maraykanka ayaa ansixiyey safiirka cusub ee madaxwaynaha dalkaas Donald Trump bishii July ee lasoo dhaafay usoo magacaabay dalka Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto.

Yamamoto ayaa dabayaaqada bishii August hor yimid Aqalka Odayaasha, waxaana su’aalo laga waydiiyey waxyaabaha u qorshaysan in uu ka qabto dalka Soomaaliya, sida uu uga falcelin doono dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo weliba qaabka uu xogaha diblumaasiyadeed ula wadaagi doono xafiisyada dowliga ah ee ay shaqadu kala dhexeyso.

Safiirka cusub ee Maraykanka oo da’diisu 65 sano jir tahay, kuna soo dhex jiray howlaha diblumaasiyadda tan iyo sannadkii 1980, wuxuu horay usoo noqday safiirka Maraykanka u fadhiya dalal ay kamid yihiin: Jabuuti, Ethiopia iyo Eritrea.

Sidoo kale, wuxuu sannadkii 2016 soo noqday, howl fuliyaha xafiiska ergada dublumaasiyiinta Mareykanka ee joogey Soomaaliya.

Magacaabista Donald Yukio Yamamoto ayaa timid, kaddib markii bishii September ee sannadkii hore uu si iskiis ah isu casiley safiirkii hore ee Maraykanka Stephen Schwartz.

Schwartz oo ahaa safiirkii ugu horreeyey ee muddo 25 sano ka badan Maraykanku usoo dirsado Soomaaliya, waxaa lasoo magacaabay bishii June ee sannadkii 2016.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply