Madaxweyne Trump Arrinta Khashoggi ma saamaynayso heshiiskii hubka ee Sucuudiga

Hiiraan Xog, Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in khaarijinta wariye Jamal Khashoggi aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin heshiiskii hub kala iibsiga ee Maraykanka iyo Boqortooyada Sucuudigu sannad kahor kala saxiixdeen.

Isagoo warbaahinta kula hadlayey gudaha Aqalka Cad, Trump wuxuu intaas raaciyey in shaqsiyan uu ka xun yahay arrinta wariye Khashoggi balse aanu aqbali karin in balaaayiinta doollar ee Sucuudigu ku dhacdo gacamo kale, gaar ahaan dowladaha Ruushka iyo Shiinaha.

“Arrintani waa mid aanu aad uga xunnahay, balse ilama ahan wax la aqbali karo in aan diidno lacag dhan $110 bilyan oo dalkan dakhli u ah fursado shaqana lagu abuuri karo” Trump ayaa sidaas yiri isagoo sii raaciyey “Waad ogtihiin in Sucuudigu ay beddelkayaga helayaan oo ay lacagtaas u geyn doonaan Ruushka ama Shiinaha midkood”

Bishan October 2deedii ayey ahayd markii la waayey Jamal Khashoggi oo ahaa wariye Sucuudiga u dhashay balse deggenaa Maraykanka, kaas oo muucaarad ku ahaa aadna u dhaliili jirey siyaasadda Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan siyaasadda dhaxal sugaha Sucuudiga ee Muxamad Bin Salmaan.

Khashoggi waxaa cid ugu wardambeysey isagoo sii gelaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istambul, halkaasoo uu dukumiintiyo guur la xiriira ka doontay.

Booliska Turkiga ayaa toddobaadkan horraantiisii shaaciyey in Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda, dabadeedna maydkiisa meel kale lagu qariyey, inkastoo Sucuudigu eedeyntaas aad isaga fogeeyey.

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply