Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo 14ka Oktoobar u aqoonsaday maalin qaran

Hiiraan Xog, Xilli labo maalmood oo qura ka harsan yihiin sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii uu dhacay qaraxii khasaaraha badan geystay ee Isgoyska Zoobe, ayaa Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalku waxay qalinka ku duugeen in 14ka bisha Oktoobar loo aqoonsado maalin qaran, taas oo la xusi doono dadkii Soomaaliyeed ee maalintaas dhibaatadu soo gaartay.

Golaha Wasiirrada ayaa go’aankan ku gaaray shirkoodii Khamiislaha ahaa ee shalay, kaasoo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamad Guuleed.

Wasiirrada ayaa sidoo kale isku afgartay in 14ka Oktoobar ay noqoto maalin loo tacsiyadeeyo taageerana loo fidiyo dadkii qaraxaas ku naafoobay iyo kuwii eheladooda ku waayey, gaar ahaan carruurta agoomaha ee ay waalidiintoodu qaraxa ku geeriyoodeen.

Qodobada kale ee shirka Golaha Wasiirrada lagu gorfeeyey waxaa kamid ahaa in maalintaasi noqoto maalin bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo dhibaatada afkaarta xagjirnimada, laguna boorriyo qiimaha ay leeyihiin midnimada iyo wax-wada-qabsigu.

Qaraxii Oktoobar 14, 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo ahaa kii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee abid Soomaaliya ka dhaca, waxaa ku geeriyooday dad tiradoodu 600 oo qof ka badan tahay.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply