Shacabka dalka Mali oo u dareeray Doorashada ka dhici doonta dalkaas

Hiiraan Xog, Shacabka reer Mali ayaa u dareeray codbixinta tartanka Doorashooyinka madaxtinimo  oo ka bilwday gudaha dalka Mali.

Ibrahim Boubacar ,waxa uu haatan wajahayaa hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Soumaila Cisse,kadib markii wareeggii hore la waayey musharax helay 50%.

Codeynta dootashadaasi ayaa dhaceysa ,iyadoo laga cabsi qabo dagaal ahli ah oo laga fillan karo bartamaha iyo Woqooyiga dalka Mali iyo eedo la xiriira in lagu shubto doorashooyinkaasi.

Madaxweynaha xilligaan Ibrahim Boubacar Keita, ayaa wareegii hore ku guuleystay 41% ,halka Soumaila Cissé hogaamiyaha mucaaradka uu helay 18%,waana markii ugu horeysay dalkaasi laba hoggaamiyaal ay ku tartamaan dooorashooyinka madxtinimo.

Ibrahim Boubacar Keita ,ayaa la filayaa in uu ku soo laabto awoodda dalkaasi mudada 5-ta sano ee soo socota,inkastoo ay jiraan eedeyno la xiriira ku shubasho lagu sameeyay dorashooyinkii dhacay bishii hore.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply