Rag ka ganacsada waxyabaha maanka dooriya oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Hiiraan Xog, Ciidanka Booliiska magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta kusoo dhigay 2-ruux oo  qeyb ka ah shabakad  ka shaqeysa sameeynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya. taasi oo ay sheegeen saraakiisha ciidanka in isticmaalka maandooriyeyaashu ay sabab u noqdaan amaan darada mararka qaar ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobalka Mudug G/dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay iney qeyb weyn ka ahaayeen falalka amni dari ee magaalada, maadaama ay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Gaashaanle sare Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Booliisku talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu soo qabto istimaalka sameynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, maadaama maandooriyaha loo arko in uu qeyb ka yahay waxyaabaha fududeeya fulinta falalka ammaaan darada ah ee inta badan ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply