Qaramada Midoobay oo ka hadashay Caruurti lagu laayay dalka Yemen

Hiiraan Xog, Qaramada Midoobey ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay Carruurtii ay xasuuqeen Isbaheysiga dowlada Sacuudiga.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baaritaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen.

Golaha Ammaanka ayaa ku heshiiyay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baaritaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga.

Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen ayaa khamiistii ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Waxaana ugu yaraan ku dhintay 29 carruur ah balse saraakiisha Xuutiyiintu ayaa sheegay in 40 Carruur ah  lagu dilay duqeyntaasi.

Ku simaha madaxa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Karen Pierce, ayaa sheegtay in goluhu uu ku adkeysanayo in loo baahan yahay baaritaan dhab ah.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply