Dagaal ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

Hiiraan Xog, Dagaal culus oo ay ku dhinteen dad badan ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ugu Yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii maanta dhacay 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay xiisadooda ay ka taaganed duleedka Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu joojinaayo dagaal beeleedyadda, waxaana Kismaayo looga yeeray qaar ka mid ah waxgaradka Inkastoo Maanta uu dagaalku dib u bilowday.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay kala dhexgalayaan beelaha dagaallamaya.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply