AKHRISO:- Maxaa lagu Amray maamulka gobolka Hiiraan kulankii magaalada Jowhar

Hiiraan Xog, Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa amray masuuliyiinta gobolka Hiiraan in ay amniga gobolka sugaan ka dib kulan uu kula qaatay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale masuuliyiintii uu Jowhar uu kula kulmay ku amray in la joogteeyo howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.

Xasan Ibraahim Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka siyaasada ee gobolka Hiiraan kana mid ahaa xubnihii uu Madaxweyne Waare la kulmay ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo looga hadlaayo Xaaladda Ammaan ee Hirshabeelle ka waday Magaalada Jowhar ee casimada maamulka Hirshabeelle.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply