AKHRISO:- Dowlada Imaaradka Carabta iyo dowlagaha Ethiopia iyo Eritrea oo heshiis kala saxiixday

Hiiraan Xog, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorshaynaysa in ay dhisto dhuumo saliideed oo isku xira dalka Eritrea iyo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya sidda ay shaaciyeen Warbaahinta dowladda Ethiopia.

Tan ayaa muujinaysa in ay tahay mid sii kordhinaysa saameynta dowladda Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Dowladda Ethiopia waxay bilowday inay soo saarto Saliid tijaabo ah oo laga helay kaydka dowlad degaanka Soomaalida  bishii Juun waxaana ay u baahan tahay  in loo maro Eritrea si ay u dhoofiso.

Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka warbixisay qorshaha dhuumaha Saliida  laga bilaabo Jimcihii ka dib  kulan ka dhacay Addis Ababa oo u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Reem Al Hashimy, wasiirka arimaha dibada ee Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa kaalin muuqata ka qaadatay taageerada Itoobiya iyo Ereteria si loo soo afjaro dagaalkii 20-kii sano ee la soo dhaafay ka dhaxeeyay Labadda dal.

Hashimy, oo bishii hore si rasmi ah loogu aqoonsaday hoggaaminta siyaasadda UAE ee hoggaanka Afrikada Saxaraha hoose, ayaa sheegay in kulanka Abiy Ahmed ka dib in UAE uu doonayso in ay   ka faa’iidaysto fursadaha maal-galinta ee Itoobiya, islamarkaana ay ku bixin doonto 100 Milyan si kor loogu qaado dhaqaallaha Itoobiya.

Wakaaladdaha Caalamka ayaa qoraya in taageeradda  Imaaraadka ee Itoobiya ay xoogeysatay ka dib markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Wadda Ololo ka dhan ah dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ka dib markii ay diideen maalgalinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply