Qarax ka dhacay magaalada Kaapul oo ay ku dhinteen ugu yaraan 31 Ruux

Hiiraan Xog, Apr 22, 2018:- Ugu yaraan 31 qof ayaa ku geeriyootay 20  kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii la Qarxiyay xarunta Diwaangelinta magaalada Kaabuul, sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbixinnada hore waxay sheegayaan in qofka Qaraxa gaystay uu beegsaday dad isugu yimid si ay isku diwaangeliyaan.

Dadka isu yimid badan koodu waxay ahaayeen dhalinyaro laga tirada badan yahay. Wararka qaarna waxay sheegayaan in tirada dhimashadi ay intaas ka sii badan karto.

Madaxa Booliska ee magaalada Kabul, Mohammad Daoud Amin, ayaa sheegay in ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarxa uu furay albaabka  xarunta aqoonsiga ee caasimada 10-kii subaxnimo (05:30 GMT) Axaddii ka dibna uu isqarxiyay.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay Qaraxaas ismidaminta ah ee lagu qaaday xarunta.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply