AKHRISO:- Khilaaf ka dhashay Shir ka socday magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Apr 22, 2018:- Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay shirka magaalada Muqdisho uga furmay Wasiirrada Warfaafinta Dowlad dhexe iyo dowlad gobolleedyada, kaddib kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay Badqabka Suxufiga.

Qaar ka mid ah Wasiirrada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shirka lagu casuumay, laakiin markii ay yimaadeen ay la kulmeen waxyaabo ka duwan wixii markii hore loo sheegay in shirku ku saabsan ama looga hadlayo.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan aya sheegay in Wasiiradda maamul goboleedyadda ay joojiyeen Shirkaasi in ay qeyb galaan.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in qorsheyaal ka duwan kuwii ay filaayeen ay la kulmeen , islamarkaana qodobadii loo sheegay markii hore ay Wasaaraddu bedashay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan cabashada ay qabaan qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad gobolleedyada.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa ka furmay Shir looga hadlaayay badqabka Suxufiga, waxaana shirkaasi oo buuq badan dhaliyay furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply