DAAWO SAWIRO:- Wasiirka Amniga Soomaaliya oo kormeershaqo ku tagay Saldhigayo ku yaalo magaalada Muqdisho

by B.A.M | Saturday, Apr 21, 2018 | 254 views

Hiiraan Xog, Apr 21, 2018:- Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamd Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa caawa kormeer kadis ah ku tagay xarumo dhowr oo ay ka mid ahaayeen Taliska Qeybta guud ee Booliska G/banaadir, Xarunta CID, saldhigyada degmooyinka kaaraan, boondheere iyo Hodan.

“Aniga iyo Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow Caawa waxaa kormeer kedis ah ku tagnay Xarumo ay ka mid yihiin Taliska Qeybta guud ee Booliska G/banaadir, Xarunta CID, saldhigyada degmooyinka kaaraan, boondheere iyo Hodan” ayuu yiri taliyaha  ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay “Waxaan u kuur galeynay sida ay u socdaan shaqooyinka Caadiga ee xarumahaasi iyo haddii ay jiraan habacsanaan dhanka shaqada ah, Bulshada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in gacan ay ka geystaan sugida Nabad gelyada, si gacan bir ah aan ugu qabano Nabad diidka”

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response