Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlay ciidamada ay tababarka siiyaan Imaaradka Carabta

by B.A.M | Wednesday, Apr 11, 2018 | 202 views

Hiiraan Xog, Apr 11, 2018:- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka wuxuu sheegay ciidamadaasi maalmaha soo socda dowladda inay la soo wareegi doonto, gaar ahaan 12-ka April oo ku beegan xuska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka uga mahad celinayaan tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray xerada Generaal Gordan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Bulshadda Soomaaliyeed ayaa dhawr jeer waxaa ay walaac ka muujiyeen ciidamada ay tababarto dowladda Imaaraadka Carabta oo aan qaadan Amarka madaxda ciidamada Soomaalida laakiin ka amar-qaata dowladda Imaaraadka oo tababar siiya ciidamadaas.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response