DAAWO SAWIRO:- Ciidamo tababar loogu soo xeray magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Apr 10, 2018:- Ciidamo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo muddo Saddex Bilood ah Tababar Ciidan ku qaatay Dugsiga Tababarka ee Turki Som ayaa maanta waxaa Tababarka u soo xiray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali xuseen Jaamac (Gorod)

Munaasabad Ballaaran oo ciidamadaan tababarka loogu soo xerayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Safiirka Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya, wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Saraakiil ka Tirsan ciidanka Xoogga Dalka iyo Tababarayaal Turki ah.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas C/Wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa baaq u diray Dowladaha taageera Soomaaliya, isaggoona ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Ciidamada xoogga dalka.

General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadaan maanta uu u dhammaaday tababarka ay u tababaran yihiin dhanka dhulka, isla markaasine ay dowladda Turkiga u dhameestirtay qalabka ay ku howlgali lahayeen.

Muddo Saddex bilood ah ayay ciidamadaani tababar ku qaateen Xarunta Dugsiga Tababarka Turki Som, waana Dufcadii labaad ee ka qalin jabisa Xarunta Dugsiga Turki Som.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply