Roob ka da’ay Magaalada Baladweyne oo hakad galiyay howlaha garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif

Hiiraan
Hiiraan

Hiiraan Xog, Apr 8, 2018: Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa maanta xiran kadib markii ay sameyn ku yeelatay roobab ka da’ay magaalada.

Mid  ka mid ah  howlwadeennada garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee magaalada Baladweyne ayaa  sheegay in dadka ka soo dega ama ka dhoofa garoonka lagu war galiyay inaysan jirin diyaarad ka soo degeysa garoonka maadaam ay dhax fadhiyaan biyo ka dhashay roobka.

Waxgaradka, dhalinyarada iyo ganacsatada magaalada Baladweyne oo dhowr mar isku dayay inay wax ka qabtan hakadka markaste ku yimadan garoonka diyaaradaha  ayaa noqday kuwa aan suurto galin. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Baladweyne ayaa horey u ballan qaaday inuu dib u dhis ku sameyn doono garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif, balse ilaa hadda ma muuqato dadaalo wax looga qabanayo hakad ku yimada howlaha garoonka

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply