Scroll to Top

Shabakada Hiiraan Xog

Hiiraan Xog, Jan 21, 2018:- Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa Amar kusoo rogtay shaqaalaha ajaanibta ee ka howlgala Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla ee Magaalada Muqdisho. Waxa ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka in ay doonayso in  hubiyo tayada howlwadeennada caafimaadka ee dalka ka howlgalaya, iyo in lala socdo shaqadooda cafimaad ee ka wadaan magaalada...

Hiiraan Xog, Jan 21, 2018:- Xildhibaanka lagu magacaabo C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood sharciyeed ka keenay go’aankii Guddoonka Golaha shacabka ka soo saaray maqaamka Caasimadda magaalada Muqdisho. C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in Guddoonka Golaha shacabka ay aheyd inuu la tashado...

Hiiraan Xog, Jan 21, 2018:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye kuxigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir. Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha...

Hiiraan Xog, jan 21,2018:-  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa digreeto goor dhow uu soo saaray waxaa uu xilkii uga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Wasiirka Warfaafinta. Xilka...

Hiiraan Xog, jan 21,2018:- Guddoomiyeyaasha  17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmooyinka ayaa Guddoomiye Taabid Cabdi u doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota. In ka badan  70 xubnood oo isugu jira Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xubnaha golaha deegaanka degmooyinka ay doorasho u dhacday qaab gacan taag ugu...

Hiiraan Xog, jan 21,2018:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ku maraya deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa hadda ku sugan Magalaada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wafdiga Madaxweynaha oo  ka ambabaxay Magaalada Guriceel ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya...

Hiiraan Xog, Jan 20, 2018:- Burburkii dalku kuma yeelan raad qur ah Amniga,deegaanka,hantida, nidaamka, dawligaa,wada noolaashihii Dadkeena bal waxuu saameeyey dhinaca fekerka (wadaniyada,damaca,aaminaada qabyaalada,daneysiga , tan Qawmigaa ee Dalka iyo Dadka) Dabcan raadkani waa qeyb saameynta ugu weyn ku leh in Qarankeenii dib u is_taago waana xaalado is_bedelo joogto...

Hiiraan Xog, Jan 20, 2018:- Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la dhowro Dastuurka iyo dowladnimada ,ka Go’an gaarista maqaamka Caasimaduna ay tahay Awood u gaar ah Barlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maqaamka Caasimada magaalada Muqdisho ay go’aamin donaan...

Hiiraan Xog, Jan 20, 2018:- Maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyay in aay bixiyeen dhul ay dowlada ledahay, wixii ka dambeeyay 8-Bishii February ee sanadkii 2017-kii. Dowlada hoose Xamar ayaa soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegtay in aysan iibin dhul ay dowlada leedahay HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARKA KA SOO BAXAY DOWLADA HOOSE EE XAMAR. Share this:TweetLike this:Like...

Hiiraan Xog, Jan 20, 2018:- Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo ay leeyihiin odayaal iyo waxgaradka soo jeeda beellaha ku abtirsada gobolka Banaadir, kaddib wareegtidii dhawaan ka soo baxday madaxtooyada Soomaaliya ee lagu joojiyay iibinta iyo bixinta dhulka danta guud ee dowlada Soomaaliya. Odayaal ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wareegtada...

%d bloggers like this: