Scroll to Top

SHABAKADA HIIRAAN XOG

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cusmaan [Jawaari] ayaa Muqdsho kusoo xiray shir u socday Baarlamaannada maamul-goboleedyada dalka ka jira. Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay xiritaanka kulanka ayaa tilmaamay in Gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul-goboleedya dalka ay isla ogolaadeen qorshayaal fara badan, isagoo dhanka kale ballan-qaaday in guddoonka Baarlamaanka...

Shir looga hadlay horumarinta iyo maalgashiga ganacsiga Soomaliya ayaa maanta lagu wada in uu ka furmo Magaalada istanbuul ee dalka Turkiga, shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya ganacsato badan oo Soomaaliyeed iyo ganacsato u dhalatay dalka Turkiga, sidoo kale waxaa shirkaan lagu casuumay maalqabaneeno kale iyo madax badan. Waxaa shirkaan si gaar ah looga hadli doonaa ganacsiga...

Maamulka goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug ayaa Ciidamo aad u badan geeyay Degaanka lagu Magacaabo Ceel-cabdi ee Koofurta Gobolka Mudug halkaa oo ay dhawaan ka dheceen dagaalo u dhexeya dadka deeganka iyo kuwa Al shabaab. Wasiir Kuxigeenka Amniga Maamulkaasi Galmudug Cabdi C/llaahi ayaa sheegay in Ujeedka Ciidamada halkaa loo geeyay ay tahay sidii Al-shabaab looga Difaaci...

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Afka Hooyo oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo Munaasabadan uu ka qeyb galay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale. Wasiirka Cadaaladda C/llaahi...

Ciidamada dowlada oo kashanaya kuwa midowgga Afrika ee ka socda dalalka jabuuti iyo itoobiya ayaa howlgalo ka sameeyay deegano uu dhexeya degmooyinka Bula burde iyo jalalaqsi iyo deegano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Xassan kaafi Maxamed ibraahim ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen in ay Al shabaab...

Faah faahin ayaa ka soo baxaya sababihii wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Air Port ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay uga sii gudbayeen dalka Turkiga. Wafdigan ayaa isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, waxaana markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ay isku dayeen inay...

Dibad bax ballaaran oo lagu dalbanayo xuquuqda bulshada degan Gobolka Banaadir iyo in la sameeyo maqaamkii ay laheyd Caasimadda ayaa saaka ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobo kala duwan, sida Taalada Darjirka Dahsoon Isgoyska KM4, Taalada Sayidka iyo Afarta Jardiino, waxaana dadka ay wateen boorar ku qoran halku dhigyo...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimada dalkiisa’Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kugu hambalyeeyo doorashada mar kale ay shacabkaaga ku doorteen. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato hawsha...

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ka Qayb-galay maanta Barnaamij ay shacabka Soomaaliyeed su’aalo ku weydiinayeen ayaa sheegay in Qaadka/Jaadku uu Dhibaataooyin badan ku hayo Dadka Soomaaliyeed, ayna sameeyaan qorshe Bulshada looga wacyi-gelinno Qaadka iyo Dhibaatooyinkiisa. Xasan Sheekh oo Hadal ka jeediyay Barnaamij loogu Magac-daray Daah-furka Dowladda ayaa intaas...

%d bloggers like this: