Scroll to Top

Shabakada Hiiraan Xog

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasoo dhowaan uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Goloyaasha Wasiirada iyo baarlamaanka ee dowladda...

Beeraleyda gobolka Hiiraan ayaa wasaarada beeraha Xukumadda Federaalka Soomaliy ka dalbatay in ay ka caawiyaan  wax soo saarka beeraha iyo sidii looga hor tagi laha cayayaan dhibaato ku haya beeraha gobolka Hiiraan. Halkan ka Daawo: Maxamed Cabdi Saney, Xafiiska wararka Hiiraan Xog, Baladweyne, Soomaliya, Nagala Soo Xiriir. Share this:Tweet...

Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Daba geed) iyo Xubno ka tirsan maamulka gobolka oo uu ka mid yahay Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Xassan kaafi Maxamed Ibraahim  ayaa qeyb ka ah wafdi balaaran oo maanta ka qeyb galaya shir looga hadlay ariimaha Soomaliya oo maanta ka furmay Magaalada istanbuul ee dalka Turkiga. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya...

Xili lagu guda jiro xiligi  jiilaalka ayaa webiga shabeelle ee dhaxmara bartamaha Magaalada Baladweyne ayaa laga dareemaya hoos u dhac ku yimid biyaha uu wado webiga taaso keeni kara inuu ka dilaaco cudurka shuban biyoodka, Duqa degmada Baladweyne Cumar Aadan ibraahim baadiyo oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa tilmaamay in ay jiran dad qashin ku shuba wabiga...

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa goor dhow magaalada Istanbul ka furay shirka Madasha 6aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoo looga hadlayo arrimaha amniga iyo siyaasada Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madax ka socota...

Shirka Madasha 6aad ee Heerka sare ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo diiradda lagu saari doono Amniga iyo Siyaasadda. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan shirka si rasmi ah u furi doona, iyadoo ay isla shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Kuxigeenka...

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee Caasimada Burundi, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay. Ban Ki-Moon ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo, waxaana uu dadaal ugu jiraa sidii loo xalin lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira. Qalalaasaha ka jiray Burundi tan iyo bishii...

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose. Wararka laga helayo Deegaanka Leego ayaa sheegaya in la Maqlayo hub kala duwan oo ay dhinacyada Hardamaya ay isku adeegsanayaan, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta u Ambabaxay Magaalada Istanbuul ee Waddanka Turkiga, halkaasoo uu uga Qayb-gali doono shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin habka doorasho ee dalka ka dhici doonta daba-yaaqada sannadkaan 2016-ka. Wafdiga uu Hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa waxay isugu jiraan Xildhibaanno,...

Xildhibaan Maxamed Xassan ibraahim Qoono oo ka mid ah xildhibannada Baarlamaanka Soomaliya oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa wareysi gaar ah siiyay shabakada Hiiraanxog.net islamarkana ka  hadlay ariimo dhowr ah. Halkan ka Daawo:   Maxamed Cabdi Saney, Xafiiska wararka Hiiraan Xog, Baladweyne. Soomaliya Nagala Soo Xiriir. Share this:Tweet...