Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo Wafdi oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Wafdi u hoggaaminaayo Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdiga madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaa ka mid ah 4 wasiir, 9 xildhibaan oo baarlamaanka dalka Jabuuti ka mid ah, masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada, saraakiil ciidan, abwaano iyo fanaaniin.

Madaxweyne Geelle ayaa xariga ka jari doona Safaaradda Cusub ee Jabuuti oo ku taalla degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, taasoo la dhagax dhigay 2017-kii.

Booqashadiisa oo qaadan doonta labo maalin ayuu sidoo kale ku tagi doonaa Magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Wiilwalaal.





Be the first to comment

Leave a Reply