Weerarkii New Zealand oo dad Soomaali ah ay ku dhinteen

Hiiraan Xog, Ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay iney ka mid noqdeen dad gaaraya 49 qof oo saaka lagu laayey labo masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Nin hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad fara badan oo salaada Jimcaha ku tukanayey labo masaajid oo halkaas ku yaalla, waxaana weerarkan ku dhaawacmay dad kale oo aad u fara badan.

Dadka Soomaalida ah ee illaa hadda la ogyahay iney ku dhinteen weerarkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Shiikh Nuur Muuse Cawaale oo ahaa Macalin dugsi Qur’aan, nin magaciisa lagu soo koobay Shiikh C/qaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaaladdii Biyaha Xamar, Aadan Diiriye iyo Wiil 6-sano jir ah oo uu dhalay laguna magacaabi jiray C/llaahi Aadan Diiriye.

Soomaalidan ayaa ka mid ahaa waxay ka mid ahaayeen dadka ku dukanayay masaajidada weeraradu ka dhaceen, waxaana geerida dadkan xaqiijiyey qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas.





Be the first to comment

Leave a Reply