Qarax Miino oo ka dhacay Suuq ku yaala degaanka Goof-Gaduud ee duleedka magaalada Baydhabo

Hiiraan Xog, Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa maanta ka dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo kuyaala deegaanka Goof-Gaduud oo ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa lagu aasay goob mashquul badan oo katirsan Suuqa Xoolaha Goof-Gaduud oo maalmaha arbacada uu ka jiro mashquul badan laguna kala iibsado xoolaha.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud,waxaana ku dhintay 7-qof halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan, waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo.

Qaraxan ka dhacay Suuqa xoolaha lagu iibiyo ayaa saameyn badan ku yeeshay ganacsigii halkaasi ka jiray, waxaana mar qura lagu kala caray Suuqa kadib markii qaar kamid ah dadkii Suuqa joogay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Ciidmada amaanka Koonfur Galbeed ayaa halkaas ka wada howlgal ciidan oo aay ku sugayaan amniga goobta uu qaraxa ka dhacay.





Be the first to comment

Leave a Reply