Madaxweyaha dalka Farasiiska oo gaaray dalka Kenya

Hiiraan Xog, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa gaaray magaalada Neyroobi, ka dib markii uu soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Itoobiya.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Faransiiska ayaa haatan wax ay wadahadallo uga socdaan aqalka madaxtooyada Kenya.

Emanuel Makroon ayaa ka bilaabay safarkiisa uu ku marayo Afrika dalka Jabuuti, Isniintii la soo dhaafay halkaas oo uu ku booqday 1,400 oo ciidamo Faransiis ah oo ku sugan saldhigga Faransiiska ee Jabuuti.

Maakroon ayaa safarkiisii Jabuuti kadib u gudbay Itoobiya halkaas oo uu wadahadal kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Maakroon intii uu Itoobiya joogay waxa uu booqday kaniisadaha taariikhiga ah ee magaalada Lalibela ee gobolka Amhara ee waqooyiga Itoobiya isaga oo ballanqaaday inuu taageeri doono dib u dhiska iyo dayactirka kaniisadaha.

Wadahadalada Kenya ku dhex mari doona Makroon iyo Uhuru waxaa qeyb weyn ka noqon doona dhisma waddada tareenka ee isku xirta caasimadda iyo garoonka caalamiga ee Joma Kenyatta.

Sidoo kale Makroon ayaa ka qeybgeli doona shir madaxeedka arrimaha deegaanka ee ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay kaas oo berito oo khamiis ah ka furmaya Kenya.





Be the first to comment

Leave a Reply