Masuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku dhintay diyaaradii burburtay ee Ethiopian Airlines

Hiiraan Xog, Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in diyaaradii  Ethiopian Airlines ee maanta ku bur burtay duleedka magaalada Adis Ababa ay la socdeen muwaadiniin Soomaaliyeed oon wali tiradooda rasmiga ah laheyn.

Dadka la xaqiijiyay in diyaarada la socdeen waxaa kamid ah Cabdishakuur Shahaad oo kamid ahaa shaqaalaha sare ee xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dad ehel la ah Cabdishakuur Shahaad  ayaa noo sheegay in uu ka yimid Qaarada Yurub uuna kusoo jeeday magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay howlo uga maqnaa.

Dadkii saarnaa Diyaarada Ethiopian Airlines oo gaarayay 157-qof ayaa loo badinayaa in ay shilka ku dhinteen, waxaana la filayaa in dowlada Ethopia war rasmi ah kasoo saarto shilkan diyaaradeed iyo khasaaraha ka dhashay.





Be the first to comment

Leave a Reply