Al-Shabaab oo soo bandhigay gaari ay ka qabsadeen ciidamada dowlada Soomaaliya

Hiiraan Xog, Xogaga Al Shabaab ayaa Warbaahintooda ku soo bandhigay gaari nooca dagaalka oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Militariga Dowladda Federalka Soomaaliya.

Dagaal ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka dhanka Koonfureed Magaalada Muqdisho ayeey sheegteen Shabaab inay kula wareegeen gaarigaan.

Baabuurka Al-Shabaab ay soo bandhigeen ayaa waxaa ku xirnaa qoriga wayn ee dagaalka ee loo yaqaan Dhashiikaha, sidoo kalena waxaa ku buufsanaa astaanta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Militariga Somaliya kama aysan hadlin baabuurkaan Ciidan ee Shabaab ay soo bandhigeen oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Xoogga dalka.

Al Shabaab ayaa dhawr mar sidan oo kale u soo bandhigay gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen Ciidamada Militariga Somaliya.





Be the first to comment

Leave a Reply