Kooxo hubeeysan oo goor dhaw ku toogtay magaalada Beledweyne masuul ka tirsan shaqaalaha maaliyada gobolka Hiiraan

Hiiraan Xog, Kooxo Hubeeysan ayaa goor dhaw caawa ah ku toogtay xaafada Holwadaag ee magaalada Beledweyne Cismaan Cali Maadey oo ku magacdheer Cismaan Garey.

Dilka Marxuunka ayaa ka dhacay xafada Holwadaag ee magaalada Beledweyne,waxaana ay dad goob joogayaal ah aay sheegeen in kooxo hubeeysan aay qebaha sare ka toogten marxuun Cismaan Ganey oo ku sugnaa xafada holwadaag.

Marxuunka ladilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha Maaliyada maamulka gobolka Hiiraan.

Ciidamada amaanka ee magaalada Beledweyne ayaa howlgal ka wada goobta lagu toogtay marxuun Cismaan Ganey,waxaana ay halkaas ka soo qadeen medydka marxuunka.





Be the first to comment

Leave a Reply