Soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka socota magaalada Beledweyne

Hiiraan Xog, Magaalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan,waxaa saakay ka socota qaba qaabada soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu horkacayo.

Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in sacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka Hiiraan iyo Ururada Dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka qeyb qadanaya soo dhaweynta wafdiga uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa laga yaaba inta uu ku suganyahay magaalada Beledweyne in uu kulamo la qaato wax garadka ka soo jeeda gobolka Hiiraan,waxaan aad loo hadal hayaa kulanka dhax mari doono asaga iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku sugan magaalada Beledweyne oo ku kala arigti duwnaa dhismaha maamulka Hirshabeelle uu wali ka soo horjeedo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.





Be the first to comment

Leave a Reply