DAAWO SAWIRO:- Xulka kubada cagta dalka Qatar oo ku guulestay koobka Asian Cup

Hiiraan Xog, Xulka kubada cagta ee dalka Qatar ayaa caawa si xarako leh ugu guuleestay Koobka Asian Cup, kadib markii guul daro xanuun badan dhabarka u saariyeen xulka Japan oo isugu soo hareen ciyaarta Fiinaalka Cup.

Kulankan xiisaha badnaa ayaa Qatar guusha ku raacday 3 gool iyo hal , waxaana goolasha ay xulka Qadar ku badiyeen mid kamid ah dhaliyay Ciyaaryahanka Akram Cafiif halka labada gool kale uu caawinteeda lahaa ciyaaryahankan.

Xulka Qatar ayaa la gudoonsiiyay koobka Asian Cup ay ku guuleesteen, waxa ay sidoo kale ciyaartoyda Qatar ku guuleesteen abaal marino kala duwan sida gool dhalinta , Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa iyo gool dhalinta.

Ciyaaryahanka asal ahaan kasoo jeeda dalka Sudan ee Almoez Ali uu ku guuleestay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee tartanka iyo sidoo kale gool dhaliyaha ugu sareeya ee koobkan, waxa uuna dhaliyay 9-gool .

Koobkan ay ku guuleesatay dalka Qatar ayaa aha amid xiiso iyo xamaasad gaar ah lahaa, waxaa Xidigga Qatar ay guul darooyin xanuun badan dhabar u saareen Xulalka Sacuudiga iyo Sacuudiga, waxaana Qatar tartanka intuu socday laga dhaliyay hal gool oo kaliya.





Be the first to comment

Leave a Reply