Diyaarad Duqeeysay deegan ku dhaw magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Hiiraan Xog, Wararka ka imaanaya deegaanka Baacyar  oo qiyaastii 25 km dhanka Koonfureed ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay maanta duqeyn ka fuliyeen deegaanka sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Diyaaradaha ayaa duqeynta ku beegsaday saldhig Al shabaab ay leeyihiin deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Maxamed Axmed Food Cadde oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeynta ay khasaaro geystay laakin ay wadaan  baaritaan ay ogaanayaan khasaaraha dhabta ee ka dhashay weerarkan duqeyntan.

“Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in duqeyn lala beegsaday saldhig Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Baacyar, khasaare kala duwan ayaa ka dhashay sida naloo sheegay ilaa haddana baaritaan ayaan wadnaa [ ku aadda] khasaaraha ka dhashay”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Food Cadde oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale guddoomiye Food Cadde ayaa sheegay inaysan ogeyn halka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta ka fuliyay deegaanka.

Duqeymaha inta badan lagu beegsado dagaalyahannada Al-shabaab ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka





Be the first to comment

Leave a Reply