Madaxweynaha maamulka Puntland oo joojiyay canshuur dhaaf ay heysteen hay’ado kala duwan

Hiiraan Xog, Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta soo saaray wareegto lagu joojinayo canshuur dhaafkii iyo canshuur dhimistii horay loogu samayn jiray hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka howlgala maamulka Puntland.

Wareegtada uu madaxweynuhu soo saaray ayaa lagu wargeliyay wasaaradda maaliyadda maamulka, hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba in la joojiyay cashuur dhaafkii iyo canshuur dhimistii laga horay loogu sameeyay

“Waxaa wasaaradda maaliyadda oo ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto iyo hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay la farayaa in la joojiyay dhammaan canshuur dhaafkii iyo canshuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12/01/2019,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Hay’adahan kor ku xusan ayaa lagu adkeeyay in ay adkeeyaan fulinta amarrada lagu soo rogay.

Wareegtadan uu soo saaray madaxweynaha dhawaan la doortay ayaa ah wareegtadii labaad ee uu soo saaro muddadii koobneed ee madaxweynaha ahaa.

Madaxweyne Deni ayaa maalmihii ina dhaafay kulamo iyo shirar gooni gooni ah la yeelanayay hay’adaha ka shaqeeya maaliyadda ee ka howlgala maamulka puntland.

Madaxweynaha oo aan wali xilka si rasmi ah ula wareegin ayaa lagu wadaa in maalinta isniinta ah oo ku beegan 14 bishan uu la wareego xafiiska isaga oo dabadeedna sii ambaqaadi doono soo dhisidda golaha cusub ee wasiirrada maamulkiisa.





Be the first to comment

Leave a Reply