SAWIRO:- Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Furay Shir looga hadlayo ka Hor-tagga Qaraxyada

Hiiraan Xog, Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta magaaladda Muqdisho ka furay Shir wada-tashi ah oo ku saabsan ka Hortagga Qaraxyada gacan ku sameyska ah.

Shirkan ayaa  ka qeyb galay Qaar kamid ah Saraakiisha Amniga, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga gudaha XFS iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ka hortagga Qaraxyada Alshabaab ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah, isaggoo isaggoo xusay in la dejin doono qorshe cad oo looga hortagayo Waxyaabaha Qarxa.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan ka hortagga Waxyaabaha qarxa, islamarkaana looga baahan yahay in  ay ku war geliyaan Ciidanka haddii ay arkaan dad ku howlan falal amniga lid ku ah.





Be the first to comment

Leave a Reply