Kooxda Arsenal Iyo Man United Oo Ku Dagaallamaya Saxiixa Goolhayahan

Hiiraan Xog, Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dagallamayaan saxiixa gool haye Gabriel Brazao.

Gool hayan 18-jirka oo kamid ah kooxda kadhisan dalkiisa Brazil ee Cruzeiro, ayaa xiisa kahelya kooxaha Premier League ee Gunners iyo Red Devils.

Manchester United ayaa Gabriel Brazao u arakta baddalka mustaqbalka fog ee gool hayaheeda waqtigan ee David Degea.

Halka Arsenal ay dhankeeda baahi u qabto gool haye da’yar oo booska koobaad ee kooxda Emirates kula dagaallami kara gool hayaha dhawaan galka ah ee Leno.

TEAMtalk ayaana intaas kudaraysa in  kooxahan reer England aysan wali wax falcelin ah kahelin kooxda uu katirsanyahay goolhayahan ee Cruzeiro.





Be the first to comment

Leave a Reply