Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay ardeyda wax ka barta jaamacaddaha Muqdisho

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan wadatashi ah  la qaatay ardeyda wax ka barta jaamacaddaha magaalada Muqdisho.

Hadafka kulanka ayaa ahaa sidii wasiirka waxbarashada uu dhageysan lahaa cabashada ay qaban ardeyda Soomaaliyeed islamarkana uu faah faahin uga siin lahaa dadaalka wasaaradda waxbarashada ugu jirto horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada xoogga saareyso sidii loo heli lahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo xirfad leh.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa ardeyda ka qeyb galay kulanka u sheegay in wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay manhaj cusub, islamarkanaa la tababaray macalimiinta dhigaya.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashada marnaba aysan ilaabi doonin, dadaalkii dadka Soomaaliyeed u soo galeen si wadid waxbarashada dalka markii ay dhacday dowladdii dhexe.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in macalin kasta oo wax ka dhiga iskuullada dowladda xiligan uu lee yahay xirfad uu ku bixiyo maadada uu dhigayo, taasina ay door ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka.

Ciise Cabdi Ciise

Hiiraanxog.net

Ciisecc12@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply