Ciidamada Milatariga dalka Gabon oo guud ahaan dalka xukun Milatari kula wareegay

Hiiraan Xog, Ciidamada Milatariga dalka Gabon ayaa ku dhawaaqay in ay si xoog ah Awooda dalka ula wareegeen ka dib markii war ay soo saareen ay ka akhriyeen raadiyaha dowladda oo ay qabsadeen saakay xilli hore.

Gabon oo dal ku yaalla Bartamaha Afrika, waxaana la sheegay in Madaxweynaha dalkaasi xaalad Caafimaad daro ay soo wajahday sanadyadii ugu dambeeyay, islamarkaana hadda uu ku jiro Isbitaal ku yaalla dalka Morroco.

Ciidanka waxa ay sheegeen in soo celinayaan hanaanka Maamulka ee dalka, islamarkaana ay soo Afjari doonaan Musuq maasuqa dalka ka jira iyo maamul xumada.

Cali Bongo ayaa in ka badan labo bilood ka maqnaa dalka Gabon, waxaana laga daweynaya xannuun aanan la shaacin, wuxuuna mar ku xannuunsaday dalka Sucuudi Carabiya xilli uu booqasho dalkaasi ku joogay.

Qoyska madaxweyne Bongo ayaa 50 sanno ee lasoo dhaafay maamulayay dalka shidaalka qaniga ku ah ee Gabon, waxaana lagu eedeeyay inay uruursanayeen hantida iyo kheyraadka dalkaasi.

Cali Bongo ayaa xilka kala wareegay aabihiis sannadkii 2009-dii, wuxuu ku guuleystay doorashadii 2016-kii oo harreeyay qalalaase iyo eedeymo wax isdaba marin ah.





Be the first to comment

Leave a Reply